Maamulka Jubbaland aya sheegay in garoonka magaalada Kismaayo ay diyaarad ka soo saareen Askar ka mid ah Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku soo dhaawacmay deegaanka Raaskanbooni.
Askarta dhaawaca ah oo aan tiradooda la sheegin ayaa ka mdi aha qeyb kale oo lagu qabtay dagaalka shalay ay Ciidamada Xoogga Dalka ay kula galeen deegaanka, iyada oo Jubbaland ay sheegtay in ay u soo gudbi doonto magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdifitaax Mukhtar ayaa sheegay in maamulka uu soo wareegi doono askarta ku dhaawacmay dagaalka.
“Waxaa magaalada Muqdisho loo soo qaaday qaar ka mid ah askartii ku dhaawacantay ee XDS. Waxaan xaqiijin doonaa in dhammaan askarta dhaawaca ah ee hadda ku sugan Raaskanbooni iyana la soo wareejiyo dhawaan, insha’allah. Jubaland waxay si sharaf iyo karaamo leh ula dhaqantay askarta ay gacanta ku hayso” ayuu yiri Cabdifitaax.
Mamaulka Jubbaland oo shalay dagaal adag kula Ciidamada ay dowladda geysay Raas-Kambooni ayaa aanan la shaacin tirada rasmiga ee khasaaraha ka dhashay, iyada oo Xukuumadda Soomaaliya ay carrabowday in uu masuuliyadda qaadi doono wixii deegaanka ka dhacay Madaxweynaha Jubbaland.
HBN ONLINE TV