Jubabland oo ku eedeysay dowladda Soomaaliya dano siyaasadeed in ay furimaha dagaalka uga soo saareystay CXD

Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyey Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya in ay lacago ku bixineyso in ciidamada dowladda ee ku sugan furimaha dagaalka ee Jubbaland sida hadalka loo dhigay ay ka soo baxaan.

war saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda amniga Jubbaland ayaa lagu faah-faahiyey eedeynta uu maamulku u jeediyey dowladda Soomaaliya oo ay ka mid tahay sida hadalka loo dhigay in ciidamada furimaha ka soo baxaya ay gudaha ay usoo galaan magaalooyinka waa weyn ee Jubbaland gaar ahaan Kismaayo.

Jubbaland ayaa sheegtay in dagaalo ka dhacay 6-dii ilaa 9-kii bishaan deegaanada Orgiyoow lyo Buuloxaaji ee gobolka Jubada Hoose ay kali ku ahaayeen ciidamadeeda, iyada oo dowladda ku eedeysay sida warka loo dhigay in ay xagal daacin ku waday ee xakamaynta CXDS ee ka soo baxay aagagii lagu ogaa.

“Dowladda Federaalka ah ku howlanayd inayna marna Clidamadaas dib ugu celin furimahi ay kasoo bexeen ayaa hada ka shagaynaya sidii ay u kala furfuri lahayd geybaha Kala duwan ee Ciidamada Jubaland lyo CXDS iyadoo lacago ku bixina sidii Clidamadu ay uga soo bixi lahayeen furimaha dagaalka oo ay usoo gali lahayeen magaalooyinka Waa weyn sida Caasimada KMG ah ee Kismaayo lyadoo ka leh dano Siyaasadeed.” ayaa lagu warka Jubbaland.

Jubbaland ayaa sheegtay in ay ogaysiinayaan dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan daaneeyayaasha arrimaha Soomaaliya in Ciidamada furimaha ku jirahaddii laga soo saaro ay ka dhalan karaan sida ay qabaan “barakac bulsho iyo dagaalo sokeeye” sida la tilmaamay oo dib uga biloyda deegaanada Jubaland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed