Ku simaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa maanta magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jubbland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyagoo ka wada hadlay arrimaha dowlad dhisidda Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, Amniga iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.
Booqashada Swan ee magaalada Kismaayo ayaa daba socotay kulamo uu horay ula qaatay madaxda sare ee Dawlada Soomaaliya oo ku saabsanaa isbedellada ka jira Golaha Wadatashiga Qaranka, isaga oo dhamaan kulamadii uu la qaatay carrabka ku adkeeyay muhiimada ay u leedahaayeen in la ilaaliyo xiriirka furan ee u dhaxeeya Madaxweyne Madoobe, Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda kale ee xubnaha ka ah golaha.
Sida oo kale warka ka soo baxay UNSOM ayaa lagu sheegay in ay qeyb ka aheyd xallinta arrimaha golaha wadatashiga qaranka ee taagan, taasi oo uu kala hadlay sida hadalka loo dhigay madaxweynaha.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka golaha uu weli ka socdo Muqdisho, kaasi oo marka uu soo gabagaboobo laga soo saari doono war murtiyeed, waxaana ilaa hadda uu furan yahay tan iyo 2-dii bishaan Octobar.
HBN ONLINE TV