Itoobiya oo ku dhawaaqday dagaal isla markaana soo bandhigtay ciidamo loo soo xiray tababar culus

Taliska Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ay ciidankoodu u diyaar garoobaan dagaal kaddib tababar loo soo xiray ciidamo badan, isla markaana lagu soo bandhigay  warbaahinta, kuwaas oo qalabeysan. Ciidamadaan ayaa lagu amray in ay isku diyaariyaan dagaal dhulka iyo cirka ah.

Sargaal sare oo ka hadlay  munaasabadda uu tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan taliska ciidanka xoogga dalka iyo kuliyada shaqaalaha oo loo tababaray ciidamo badan, ayaa ka dhawaajiyay in ciidamadu ay diyaar u noqdaan dagaal gudaha iyo dibadda ah, oo uu ku sheegay cadwaga Itoobiya.

Sarreeye Gaas Alemeshet Degfe oo ah La-taliyaha Sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Itoobiya, ahna Taliyaha Hoggaanka Dab-damiska Dowladda Federaalka  Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dowladda federaalka ay xoojiyeen diyaar garowga dagaal ee ay ku doonayaan in ay ku fashiliyaan dhagarta xoogag gudaha iyo dibadda ah oo aan rabin nabadda iyo horumarka Itoobiya, sida uu hadalkiisa ku sheegay.

Waxa kale oo uu tilmaamay in ay jiraan hawlo badan oo lagu xaqiijinayo diyaargarowga ciidamadadooda difaaca ee ku sugan dhulka iyo cirka.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeyso, iyada oo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ay cirka isku shareertay taniyo 1 bishaan, markii Ra’iisal wasaaraha dalkaas iyo madaxweynaha Somaliland ay gaareen hishiis is af-garad ah oo Itoobiya looga kireynayo Badda Cas, isla markaana saldhig millateri ay ka heleyso magaalada Lughaye ee gobolka Awdal, tallabadaas ayey dowladda Soomaaliya ku diiday si adag, isla markaana sheegtay in aysan aqbaleyn taako kamid ah dhulkeeda in aanan lagu soo xadgudbi karin.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed