Itoobiya oo awaamiir cusub ku soo kordhisay Xadka ay la wadaagto Soomaaliya

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaali Galbeed ayaa ku soo waramaya in halkaasi ay Itoobiya ka wado xadidaad dhanka xududdka ah, iyada oo ka dhaqan galisay sida la soo sheegayo in xanibaad ay ku soo rogtay dadka ka gudbaya.

Taliska ciidamada Itoobiya ee jooga xaduudka laba dal ayaa ilo kala duwan inoo sheegeen in ay xidideen dhaqdhaqaaqa dhanka xuduudda, waxaana bilaaabeen in tallaabooyin amni oo laga dhaqan geliyay inta u dhaxeeya Dolwad degaanka Soomaalida iyo dalka Soomaaliya.

Itoobiya ayaa ku doodeysa in xaaladda gobolka ay Khatar ku yihiin ciidamada Masar waa sida hadalka ay u dhigtaye, iyada oo arintan ayaa timid ka dib markii uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, sida oo kalena Ciidamo ka yimaada Xukuumada Qaahira la filayo in sanadka soo socda ay dalka yimaadaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhamaadkii bishii hore sheegtay in Itoobiya ay ku tumatay cah-diyada caalamka u yaal, ka dib markii ay qabsatay oo ay la wareegtay garoomada gobolka Gedo ku yaalla, iyada oo ku doodaysa in ciidamo Masaari ah oo ka soo degaya ay diidan tahay, waxaana ay dusha ka saartay Itoobiya masuuliyadda wax kasta oo ka dhaca gobolka.

Itoobiya ayaa la soo wariyey in boqolaal ciidamadeeda ah ay keentay degmada Feerfeer ee gobolka Hiiraan bishii Agoosto ee sanadkan, iyada oo taasi wax jawaab ah ka bixin Dowladda Soomaaliya.

Xukkuumadda Addis Ababa ayaa lagu eedeeyey hubeynta Qabaa’ilada degan xuduudka, waxaana la tilamaamay in tani wax u dhimeyso wada noolaanshihii gobolka, sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo wareysi siinayey warbaahinta Al Jazeera.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed