Madaxda ugu sareysa Itoobiya oo saacadihii lasoo dhaafay fariimo kala duwan jeediyay oo intooda badan luuqad adag adeegsaday ayaa waxaa laga dheehan karay ‘diyaargarow dagaal’ iyagoo ku celceliya isticmaalka ereyga ‘cadawga’, halka boqolaal ciidamada ay soo dhoobeen xadka Soomaaliya ay la wadaagaan.
Arrintan ayaa ku soo aadaysaa iyada oo aad loo hadal hayay hadalka ka soo yeeray Taliyaha Ciidanka Itoobiya ayaa mar kale waxaa fariin maanta soo dhigay barihiisa Xiriirka Bulshada Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxa uu ku muujiyay saansaan dagaal.
Madaxda Itoobiya oo adeegsaday ereyo luuqad adag ah, sida ‘cadawga’ iyo ‘waan iska dhicineynaa’ ayaa muujinaya dhiillada Xukuumadda Addis Ababa heerka ay gaarsiisan tahay & sida ay ugu diyaarsan yihiin dagaal ay galaan.
Abiy Axmed ayaa sheegay in dalkiisa uusan ku duulin waddan kale, balse waa sida hadalka uu u dhigaye haddii la isku dayo in la soo weeraro ay iska difaaci doonnaan, waxa uu dadkiisa uu ugu baaqay in ay muujiyaan Midnimo taasi oo muujineysa in uu ku bogaadinayo dagaal.
“Itoobiya waligeed dal kale kuma duulin balse kuwa nagu soo duulay waligood guul nagama gaarin, waxa aan iska difaacnay kuwa halista ku ah qarannimadeena” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Hadalkaan waxa uu kusoo beegmayaa iyada oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu diiday la kulanka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo billowgii sanadkaan shaaciyay heshiis xadgudub ku ah midnimada Dalka.
Wax war ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ilaa hadda jawaab rasmi ah kama bixin, waxaana looga fadhiyaa in ay jawaab ka bixiso hadallada xanafta leh ee ka soo yeeraya Madaxda Itoobiya.
HBN ONLINE TV