Masuuliyiinta Somaliland iyo Itoobiya ayaa heshiis ku gaaray in la soo afjaro shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Dacawalay ee degmada Xarshin ee dawlad deegaanka Soomaalida, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad badan oo rayid ah iyo ciidamo dagaalka qayb ka ahaa.
Shir gaarka ah ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya oo lagu raadinayey nabad waarta ayaa daba socda dagaallo gacan ka hadal ah oo galaaftay nolosha in ka badan 35 qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen sida aan ka soo xiganeyno warbaahinta gudaha Itoobiya.
Wada-hadalladan oo ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Amniga gudaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya iyo kuwa rayidka ah.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in wada-hadalladaas ay ahaayeen kuwo lagaga wada-hadlayo arrimo la xariira dhinaca ammaanka, iyada oo labada dhinacba ay ka go’an tahay sida ay hadalka u dhigeen in ay ka hortagaan xaalad colaadeed oo kale, isla markaana la xaqiijiyo nabad-gelyada iyo xasiloonida deegaanka.
Magaalada Wajaalle ayaa khamiistii aan soo dhaafnay waxaa lagu aasay dadkii ku dhintay dagaalka ka dhacay deegaanka Dacawaley, kaasi oo khasaaraha ka dhashay aan si rasmi ah loo cadeyn labada dhinac.
HBN ONLINE TV