Itoobiya iyo Puntland oo ku heshiiyey in la wanaajiyo xiriir dhinacyo badan leh isla markaana yeeshay kulan culus

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa boggeeda ku baahisay dhacdadii u horreyaysay oo la xiriirta Soomaaliya tan iyo markii uu khilaaf soo kala dhexgalay labada dal, kaaso salka ku haya sharci ahaanshiyaha heshiis ay Itoobiya la gashay Somaliland.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Mesganu Arga, ayaa maanta xafiiskiisa si diiran ugu qaabilay wafdi heer sare ah oo heer wasiir ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed  Faarax  Maxamed oo ay weheliyaan saraakiil kale oo ka tirsan guddiga dardargelinta ganacsiga Puntland oo xubnihiisa ay u badanyihiin shaqsiyaad uu kalsoonyahay Madaxweyne Deni.

Wadahadalkooda, labada wafdi waxay u kuurgaleen fursadaha iskaashi ee ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.

Wafdiga Puntland ayaa ku nuux-nuux saday xiriirka soo jireenka ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, iyagoo qiray taageerada iyo iskaashiga ay Itoobiya la garab taagan tahay, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo waxbarashada. Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in maamulka  cusub ee Puntland uu doonayo inuu sii xoojiyo xiriirka Itoobiya, iyagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Itoobiya, waxay wada-hadalkan ku soo bandhigtay ballanqaad la xiriira inay si dhow ula shaqeyn doonto Puntland. Laakin kulankan ayaa sare u qaadaya burburkii ka jira siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, taa oo dhaliisheeda ay ku dhacayso dawladda Federaalka, sida ay qabaan khubarada gobolka ee ka faallaado arrimaha siyaasadda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed