Israel oo ka walaacsan hub casri ah oo difaaca hawada ah oo Xisbullah la soo baxday

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in ciidamada Israel ay ka walaacsan yihiin waxa ay ku tilmaameen “isbeddel weyn oo ku yimid hannaanka difaaca hawada ee ururka Xisbullah ee Lubnaan, ka dib markii uu laba jibaaray tirada hababka difaaca hawada ee ay gacanta ku hayaan, tani oo lagu damacsan yaahy in lagu xaddido weerarrada ciidammada cirka Israel ee Lubnaan.”

Wargeyska Maariv ee ka soo baxa Israel ayaa Jimcihii sheegay in ciidammada Israel ay qiimaynayaan go’aanka Xisbullah ee ah in ciidammada cirka Israel lagaga hortago nidaamka difaaca hawada ee Ruushka ee loo yaqaan SA8 iyo SA22, kaasi oo ah isbeddel aasaasi ah oo ku yimid nidaamka istiraatijiyadeed ee Xisbullah, kaas oo la isku dayey in lagu xaddido weerarrada & dhaqdhaqaaqa diyaaradaha Israa’iil.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray in qiyaasta Israel ay muujinayso in Xisbullah laba jibaaray xadiga nidaamka difaaca hawada ee ay gacanta ku haysay shantii sano ee la soo dhaafay, iyadoo barnaamijka difaaca ee ururkaasi uu ku saleysan yahay nidaamyada casriga ah ee Iran.

Gantaalka SA8 ayaa guuxiisa ka dheereeya 3 goor, waxaana uu gaari karaa masaafa gaaraysa 15 km oo dhulka ka sarreysa 12 km.

Warqabadka HBN

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed