Iska horimaad ka dhacay gobolka Galgaduud oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Laba qof ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen xiisad ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Iska horimaad gacan ka hadal ah oo u dhaxeeyay ciidamada booliska deegaanka iyo maleeshiyaad hubeysan ayaa  ka dhacay degmada Guriceel, sida ay xaqiijiyeen warbaahinta gudaha iyo ilo wareedyo ku sugan degmadaasi. Iska horimaadka ayaa yimid markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen ciidamada Booliska, waxaana la sheegay in uu jawaab u ahaa xarig dhawaan loo geystay qaar ka mid ah xubnahaasi.

Nasiib darro, iska horimaadkan ayaa galaaftay nolosha laba qof. Mid ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa askari ka tirsan ciidamada booliska, halka qofka kalena uu ahaa qof rayid ah oo ay haleeshay rasaas. Intaa waxaa dheer, afar qof oo kale ayaa ku dhaawacmay oo ay ku jiraan maleeshiyaad iyo dad aan waxba galabsan.

Magaalada Guriceel ayaa maanta degan, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ciidamada ammaanka ee degmada ay wadaan howlgallo baaritaanno ah oo lagu qiimeynayo xaaladda, laguna soo qabanayo dadkii ka dambeeyay falkaasi. Maamulka deegaanka ayaa ku howlan soo celinta kala dambeynta iyo ilaalinta nabadda gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed