Isimmada SSC- Khaatumo go’aan ka soo saaray khilaafkii doorashada ee Puntland

Guddiga dhaqanka ee ka soo jeeda SSC-Khaatumo ayaa soo saaray go’aamadii ay ka soo saareen khilaafkii doorashada ee u dhaxeeyay madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo mucaaradka.

Shir jaraa’id oo ay  ku qabteen magaalada Garoowe guddiga loo  xil-saaray xalinta khilaafka ayaa ku dhawaaqay in doorashada madaxweynaha ay dhacdo 8-da Janaayo 2024, si looga hortago khilaaf siyaasadeed iyo xasillooni darro.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen in baarlamaanka hadda jira ay dooran doonaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in 12 bilood ka dib, guddiga doorashadu uu qabanqaabin doono doorashada baarlamaanka cusub iyadoo la adeegsanayo habka doorasho ee hal qof iyo hal cod ah.

Guddigu waxa ay hoosta ka xariiqeen in ay go’aankooda u gudbiyeen dhinacyadii uu khilaafku ka taagnaa doorashada, iyaga oo rajo ka muujiyay in dhammaan dhinacyadu aqbali doonaan go’aankan.

Taasoo ka dhigan, in Isimmadii horey  ee Puntland iyagana usoo saareen war murtiyeedka doorashada, ee soo jeedinayay in doorashada lagu qabto waqtigeeda, isla markaana ay isku raaceen go’aamadii ka kala soo   baxay Isimmada SSC- Khaatumo iyo Isimmada Puntland.

Odayaasha dhaqanka oo si weyn ugu howlan soo afjarida khilaafka siyaasadeed ayaa soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay guddiga.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed