Inka badan 160 dhalinyaro laga sii daayay xabsida Liibiya oo laga dejiyay magaalada Muqdisho

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay in ka badan 160 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo laga sii daayay xabsiyada dalka Liibiya.

Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Batroolka, Amniga, Taliyaha Booliska iyo Ergeyga Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan Arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Carruurta ayaa saakay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay dhalinyaradaasi oo gaarayey 164 ruux, halka 55 ka mid aheyd loo qaaday Hargeysa.

Masuuliyiinta soo dhaweeyey oo uu ka mid yihiin wasiiradda arimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi iyo gudaha Cali Xoosh ayaa sheegay in dhalinyaradaan hadda ku soo aadeen xili xooggooda uu dalku u baahnaa uguna fursado badanaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 109 qof oo kamid ah dhalinyaradaasi laga soo dejiyay magaalada Muqdisho halka 55 qof oo kale laga dejiyay Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed