In Ka Badan 50 qof oo Tahariibayaal ah Oo ay Ku Jiraan Soomaali oo Laga Soo Badbaadiyay Badda Mediterranean-ka

Tahariibyaal badan oo ay Soomaali ku jiraan ayaa laga soo badbaadiya Badda Mediterranean-ka kuwaas oo doonaayay in ay galaan Waddaamda Yurub, Waxana lagu arkay biyaha caalamiga ah ee u dhow Liibiya ka dib markii ay saacado badan dul wareegayeen badda Xilli ay ka Ciladoowday Doontii ay saarnaayeen.

Tahariibyaashaan ayaa gaaraya wadar ahaan 55 qof ruux waxana ki jiro 6 Caruur ah iyo 3 Haween.

Dadka la soo badbaadiyay ayaa ka kala yimid Soomaaliya, Ivory Coast, Masar, Eritrea, Nigeria, Falastiin iyo Suudaan.

Hay’adda samafal ee dadkaan badbaadisay ayaa sheegtay in la siiyay fasax ay kaga degi karaan Marina di Carrara ee waqooyiga Talyaaniga, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xilligaan.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, saddexdii bilood ee ugu horreeyay ee Sannadkaan 2023 waxay ahaayeen saddexdii bilood ee ugu horreeyay lixdii sano ee ugu dhimashada badneyd tahriibayaasha ka soo gudbaya bartamaha badda Mediterranean-ka ee doomaha tahriibinta.

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa diiwaangeliyay 441 muhaajiriin ah ay ku dhinteen marinka halista ah ee badda ee u dhexeeya waqooyiga Afrika iyo xeebaha koonfureed ee Yurub intii u dhaxaysay Janaayo iyo Maarso.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed