In ka badan 100 ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab oo iska soo dhiibay gobollo kala duwan oo ay ka mid yihiin Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay sida ay ula dhacsan tahay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doortay in ay isku soo dhiibaan xukuumadda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Todobaadyadii la soo dhaafay, in ka badan 100 maleeshiyo ah ayaa iska soo dhiibay gobollo kala duwan oo ay ka mid yihiin Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland, iyo Banaadir. Maleeshiyadan Shabaabka ah ee isku soo dhiibay ayaa haddaa loo gudbiyay goobo loogu talagalay in lagu  baxnaaniyo si ay dib ugu soo biiraan bulshada sida lagu sheegay hadal kooban oo ay dowladdu soo saartay.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warantay in “100 ka mid ah mintidiinta maskaxda laga dhaqay ay ka goosteen kooxda argagixsada oo toddobaadyadii la soo dhaafay, iskuna soo dhiibay Ciidanka Qaranka. Cafiskii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u abuuray waddo ay maleeshiyaadka uga tanaasulaan rabshadaha iyo xagjirnimada, taasoo dhabaha u xaareysa inay dib ugu soo laabtaan nolol rayid ah oo nabad ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda federaalku waxay si diiran u soo dhawaynaysaa dhammaan shakhsiyaadka doorta inay cambaareeyaan kana soo goostaan ​​ururka Al shabaab. Hindisahani wuxuu ka tarjumayaa dadaallada socda ee looga hortagayo xagjirnimada iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed