In ka badan 1 milyan oo si mutadawacnimo ah ugu biiray ciidamada Kuuriyada Waqooyi maalmo gudahood.

Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta sheegtay in in ka badan hal milyan oo dhallinyaro ah ay si mutadawacnimo ah ugu biireen milateriga toddobaadkan, ka dib markii Pyongyang ay ku eedaysay milateriga Kuuriyada Koonfureed inay u soo direen hawadeeda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Kuuriyada Waqooyi ayaa isniintii qarxisay wadooyin iyo tareenno muhiim ah oo isku xira labada Kuuriya ka dib markii ay ka digtay in diyaarad kasta oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo hawadeeda soo gasha ay ka macno noqon doonto ku dhawaaqid dagaal, waxayna ku amartay askarta ku sugan xadka in ay isu diyaariyaan in ay dagaal galaan.

Kuuriyada Koonfureed waa ay beenisay in ay direen diyaaradaha balse Pyongyang waxa ay sheegtay in ay hayso “caddeeymo cad” oo muujinaya in deriskeeda koonfureed ay si rasmi ah ugu lug lahayd soo dirida diyaaradahaasi, kuwaas oo la rumaysan yahay in ay daadinayeen waraaqo borobogaando ah oo ka dhan ah maamulka hoggaamiye Kim Jung Un isla markaana lagu daadiyay caasimadda Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang.

“Malaayiin dhalinyaro ah ayaa ku biiray halganka ka socda dalka si loo baabi’iyo qashinka Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed kuwaas oo fuliyay fal halis ah oo ah fal daandaansi ah oo ay ku xad-gudbeen madax-bannaanida Jamhuuriyadda Dadka Kuuriya Waqooyi” ayaa lagu yiri war laga sii daayay wakaalada wararka Kuuriyada Waqooyi ee KCNA.

In ka badan 1.4 milyan oo ka mid ah mas’uuliyiinta ururka dhalinyarada iyo ardayda ee Waqooyiga Kuuriya ayaa si mutadawacnimo ah labadii maalmood ee la soo dhaafay ugu biiray ama dib uga mid noqday ciidanka difaaca dadka Kuuriyada Waqooyi, sida wakaaladu ay sheegtay.

Kuuriyada Woqooyi ayaa waxaa lagu soo rogay in dhammaan raggu ay ka qayb qaataan shaqada ciidanka oo qasab ah.
waxayna horay ugu dhawaaqday mowjado dad ah oo ciidanka ugu biiray si mudatawacnimo ah xilli ay sii xoogaysanayso xiisadda kala dhexeysa Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga cidda ka danbeysa diyaaradaha hawada Kuuriyada Waqooyi soo galay oo ah nooca aan duuliyaha lahayn, balse dhaqdhaqaaqayaasha Kuuriyada Koonfureed ayaa muddo dheer soo dirayey buufino sidda warqado ka dhan ah maamulka Pyongyang oo ka soo tallaabay xadka, taasoo ah xeelad ka carataysiisay Kuuriyada Waqooyi, iyada oo kaga jawaabtay in buufino ay ku raran yihiin qashin loo diray dalka deriska la ah ee koonfurta. .

Maamulka Kuuriyada Koonfureed ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada deegaanada ku dhow xuduuda uu la wadaago Kuuriyada Waqooyi si ay uga hortagaan in ciidamada ay soo diraan buufino.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed