Dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 22 dhallinyaro Soomaali ah, kuwaas oo Isniintii shalay laga soo daayey xabsiyo ku yaalla dalka Sudan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Axmed Maxamed Fiqi oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ku qaabilay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho dhalinyaradaan markii ay soo degeen.
Dhalinyarada laga soo celiey dalka Suudaan ayaa isusgu jira 17 wiil iyo 5 Gabadho ah, waxaaana in muddo ah ay ku jireen xabsi ku yaala magaalada PortSudan.
Dowladda Soomaaliya ayaa shantii maalin ee la soo dhaafay dalka dib ugu soo celisay in ka badan 200 oo dhalin yaro oo laga kala keenay Liibiya 161 qof iyo Madagascar oo 47 ruux ah, waxaana kuwaan ay noqonayaan tiro kale oo dheeraad ah oo dalka dib loogu celiyey.
HBN ONLIN E TV