Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in uu soo dhammaaday iska horimaadyo iyo xiisad tan iyo shalay ka taagnayd deegaanka Laag ee duleedka magaalada, halkaas oo ay ku dagaallameen ciidanka Daraawiishta Puntland iyo ciidamada PSF.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta Puntland ay la wareegeen gaadiidkii dagaalka ee ay wateen ciidamada PSF, kaddib markii la sheegay in ciidamadii lugta ahaa ay ka dageen gaadiidka islamarkaana ay ka baxeen goobta dagaalka.
Xalay ayaa sidoo kale la sheegay in ciidamada Puntland la geeyay waddooyinka aada Qardho iyo Boosaaso si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada PSF.
Warbaahinta ku hadasha afka xukuumada Puntland ayaa soo bandhigtay ugu yaraan 8 baabuur ah kuwa gaadiidka iyo hub la sheegay in laga furtay ciidamada PSF, isla markaana laga qabtay maxaabiis.
Dhanka kale, war rasmi ah oo ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadeedu ay soo afjareen howlgal ay ku tilmaantay mid lagaga hortagayay waa sida hadalka loo yiriye kooxo hubeysan oo qalqal amni ka waday deegaannada maamulka.
Puntland ayaa sidoo kale ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay abaabushay ciidamada ay la dagaallameen. Dowladda Federaalka iyo taliska PSF weli kama aysan hadlin eedeymahaasi.
Laamaha caafimaadka ayaa sheegay in ugu yaraan 1 askari oo dhanka PSF ah uu ku dhintay iska horimaadyadii shalay ee ka dhacay deegaanka Laag.
Dhinaca kale iska horimaad kale ayaa ka dhacay degmada Xaafuun oo dhacdadan la xiriria, kaasi oo dhexmaray ciidamada Puntland & kuwa PSF, waxaana ka dhashay khasaaraha 1 askari oo dhimasho & dhaawaca 3 kale, waxaana jira warar sheegaya in ugu yaraan 1 gaari oo ciidan la gubay.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

