Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo wada-hadalladu socda dowladda iyo siyaasiyiinta ka aragtida ee Mucaradka, kadib markii uu xusay in labada dhinac ay gaareen isfaham ku saabsan muhiimadda ay shacabka u leeyihiin inay si toos ah uga qeyb qaataan go’aaminta hoggaanka dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mucaaradku ay garwaaqsadeen in ay lagama maarmaan tahay in talada dalka wax laga siiyo shacabka, isagoo ku tilmaamay arrintaasi mid muhiim u ah hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Xamse ayaa mucaaradka ugu baaqay inay dowladda kala shaqeeyaan laba arrimood oo uu sheegay inay mudnaan gaar ah leeyihiin.
Qodobka koowaad ayuu ku sheegay inay Mucaaradka ka doonayaan in dowladda kala shaqeeyaan xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, si shacabka Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan dhammaan deegaannada dalka, halka kan 2-aad uu ku sheegay difaaca midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo muujiyay rajada uu ka qabo inay ku biiraan dadaalladaasi.
Hadalladan ayaa imanaya iyadoo ay socdaan wada-hadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo looga hadlayo arrimo la xiriira geeddi-socodka siyaasadda iyo doorashooyinka dalka.
HBN ONLINE TV

