La-taliyaha Madaxweynaha Mareykanka ee u qaabilsan Arrimaha Carabta iyo Afrika Massad Boulos, ayaa sheegay inuu kulan miro-dhal ah oo uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali ay kaga wada hadleen arrimo la xiriira amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Massad Boulos ayaa sheegay in kulanka lagu falanqeeyay qodobbada muhiimka ah ee iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, iyo sidii labada dhinac ay uga wada shaqeyn lahaayeen xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in wada-hadalkooda uu qeyb ka ahaa xaaladda wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda gudaha Soomaaliya.
“Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay qodobbada muhiimka ah ee iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya dalalkayaga, sidii aan uga wada shaqeyn lahayn xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyo xaaladda wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda gudaha Soomaaliya” ayuu yiri Massad Boulos.
Dhanka kale, Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali, ayey wasaraadda arimaha dibadda Soomaaliya sheegtay in kulanka Qaahira ee la yeeshay Massad Boulos in diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya Muqdisho iyo Washington, ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, arrimaha la xiriira Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), amniga Badda Cas, la-dagaallanka argagixisada, iyo xasilloonida gobolka.
Kulankan wuxuu imanayaa iyada oo Qaahira ay shalay ka dheceen kulamo dhowr waji ah oo ay yeesheen wasiiradda arimaha dibadda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea, kuwaa oo la sheegay in diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka seddex geesoodka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee la xiriira amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Horaantii bishaan, Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay joojisay qayb ka mid ah kaalmadii ay siin jirtay howlgalka Xasilinta midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaasi oo ururku ka muujiyey qaylo dhaan culus oo caalami ah.
Midowga Afrika wuxuu sheegay in hadda aan si degdeg ah loo helin taageero dhaqaale iyo mid saad ay adkaan karto sii socoshada howlgalkan oo soo billowday 2007-dii, si uu u sii wato waajibaadkiisa amni iyo taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

