Iiraan oo heshay raacii ugu horreeyey ee diyaaradaha dagaalka ee Su-35 ee Ruushka

Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in Ruushku uu Iiraan ku wareejiyay diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee SU-35, iyada oo la qabtay 18-kii bishii aynu soo dhaafnay munaasad Iiraan ay kula wareegaysay 2 ka mid ah diyaaradahaasi, munaasabadaasi ayaa lagu qabtay warshadda diyaaradaha ee ku taal magaalada Komsomolsk-on-Amur, sida ay werisay warbaahinta Iiraan.

Warar laga helay ilo ku dhow ciidamada cirka ee Iiraan ayaa sheegaya in Iiraan ay qorshaysayso inay ku beddesho diyaaradaha Grumman F-14A Tomcat oo ku sugan magaalada Isfahan, waxaana dalabka la gaarsiin doonaa 25 ilaa 50 diyaaradood oo ah nooca Su-35 ah.

Diyaaradda Su-35 oo ah jiilka 4-aad waa mid ka mid ah diyaaraddaha dagaalka noocyada badan ee laga sameeyay Rushka.Waxana ay leedahay matooro xooggan oo leh awood u leexinta jihada, taasoo ka dhigaysa mid aad u dabacsan oo awood u leh inay qabato hawlgallo dagaal oo aad u adag.

Waxay kaloo leedahay raadaarka Irbis-E oo leh awood arag oo dhan 400 km, wuxuu awood u leeyahay inuu si isku mid ah u ogaado oo ula socdo bartilmaameedyo badan.
Su-35 waxay siddaa noocyo kala duwan oo hub ah, sida gantaallada iyo waliba bambooyin hagitaan leh, taasoo ka dhigaysa mid ku habboon hawlgallo badan oo kala duwan.
Inkastoo ay leedahay faa’iido farsamo oo weyn, diyaaraddani waxay weli tahay mid qaali ah marka la eego soo saaristeeda iyo dayactirkeeda, waxayna tartan xooggan kala kulantaa diyaaradaha dagaalka ee reer Galbeedka sida F-35.

Bishii Nofeembar sanadkii hore, waxaa la ogaaday in Iran iyo Russia ay ku heshiiyeen keenista diyaaradaha Su-35. Sidoo kale, sanadkan waxaa soo baxay warar sheegaya in Iran ay qorsheyneyso inay dhisto xarumo loogu talagalay diyaaradaha dagaalka ee Su-35 S ee Ruushka. Wararkan ayaa waxaa si gaar ah loo xaqiijiyay iyada oo la adeegsanayo sawirro dayax-gacmeed.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed