Warar ka imaanaya Koofurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan howlgallo culus oo ay wadaan ciidamada isku dhafka ah ee ku sugan aagga magaalada Camaarka ee koonfurta gobolkaas , kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.
Howlgallada ayaa xoogooda waxa ay ka socdaan inta u dhexeysa deegaanada Camaara iyo Caad, halkaas oo ah goobaha kooxda Al shabaab ay ka soo ababaulaan weerarada ka dhanka ah ciidamada ku sugan furimaha dagaalka gobolka, isla markaana doonaya in guud ahaan gobolka ay ka saaraan kooxdaas.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedka uu yahay ka hortegga weerarada Al-Shabaab kasoo qaadaan halkaasi, kuwaas oo u badan hoobiyeyaal. Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen inay ka war hayaan meelaha ku dhuumaaleysanaan maleeshiyada kooxda, soona afjari doonaan dhawaaa.
Ilo wareedyo deegaannadaas ku sugan ayaa sheegaya in xaladu ay kacsan tahay, isla markaana ay soconayaan dhaqdhaqaayo kala duwan oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxan la arkayaa gawaarida dagaal iyo ciidamo hubeysan.
Gobollada Dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf ay iska kaashanayaan dowladda, Galmudug iyo dadka deegaanka, kuwaas oo dhul ballaaran looga saaray Al-Shabaab.
HBN NEWS DESK