Howlgal lagu dilay xubin Miino aasidda u qaabilsanaa Alshabaab oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay howlgal ay ka sameeyeen ay ku dileen xubin muhiim ah oo ka tirsanaa Alshabaab.

Ciidamada dowladda ayaa sheegay in lagu guuleystay in la dilay xubin Miino aase ahaa oo deegaanada xariiriya Buufow Bacaad, Nambar konton, Bariire iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Ciidamada Amniga oo ninkaan xogtiisa si toos ah ula socodey ayaa ku guuleystay in khaarijiyaan”

Sida oo kale saraakiisha ciidamada huggaaminayey ayaa tilmaamay in gacanta lagu hayo xubin kale oo la socday, kaasi oo warbaahinta loo soo bandhigay.

Ciidamada howlgalka sameeyey ayaa la wareegay miino kuwa dhulka lagu aaso ah, taasi oo ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen iyada iyo xubinta kale ee nolosha ay ku qabteen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed