Howlgallo qorsheysan ayaa ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa shisheeye waxa ay ka fuliyeen deegaanno dhowr ah oo dhaca koonfurta gobolka Mudug. Ciidamada isku dhafka ah ayaa beegsaday deegaano ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay ka mid yihiin Qaycaad iyo Shabeelow, sida uu sheegay maamulka gobolka.
“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ayaa gelinkii dambe ee maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Qaycad ee gobolka Mudug, kaasi oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. ayay tiri wasaaradda gaashaandhigga.
Gaashaanle C/raxmaan Nuur oo ka mid ah saraakiishii hoggaamineysay howlgalka ciidanka xoogga dalka oo hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay horjooge ka tirsan Al-Shabaab iyo maleeshiyaad kale.
Sidoo kale ma uusan carabaabin magaca horjoogaha lagu dilay weerarka, balse wuxuu sheegay in saacadaha soo socda ay faah faahin rasmi ah ka bixin doonaan xarumaha wararka ee Soomaaliya.
Howlgalka ayaa yimid maalmo kadib markii ciidamada dowladda ay faarujiyeen fariisimihii ay maamulayeen, gaar ahaan Badaweyn, Caad, Camaara iyo Shabeelow oo fariisimo u ahaa Al-Shabaab.
HBN NEWS DESK