Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo markii ugu horreysay la kulmay Golaha Wadatashiga Qaran oo shir xasaasi ah uga socdo Muqdisho

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, C/qaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, ayaa markii ugu horreysay kulan la yeeshay Golaha Wadatashiga Qaran kuwaas oo maalin ka hor shir uga  furmay magaalada Muqdisho.

Golaha wada tashiga qaran oo ay ku jiraan madaxda heer federaal iyo heer maamul goboleed ayaa madaxda SSC-Khaatumo ka dhagaystay xaalada guud ee deegaanada SSC-Khaatumo waxayna ku nuuxnuuxsadeen in SSC looga baahan yahay in ay hesho xuquuqdeeda dastuuriga ah ee ay ka hesho dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Madaxdu waxay ku ammaaneen maamulka SSC-Khaatumo dadaalka ay ugu jiraan ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin xaaladda siyaasadda dalka, amniga, doorashooyinka heer federaal iyo heer maamul gobolka.

Ma cadda in hogaamiyaha SSC uu si buuxda uga qayb gali doono shirka golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka ee lagu wado in maanta la soo gabagabeeyo. Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in Firdhiye uu kulamo la qaadan doono madaxweyne Maxamuud iyo madaxda kale ee gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed