Hoggaamiyaasha Turkiga iyo Soomaaliya oo yeeshay kulan labo geesood ah loogana hadlay arrimo muhiim ah

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan Shirkii 3aad ee Antalya Diplomacy Forum. Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka, iyo arrimo kale oo dheeraad ah, oo lagu soo bandhigay kulankii ka dhacay dalkaas.

Kulanka ayaa yimid maalmo kadib markii Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen heshiis dhanka difaaca & dhaqaalaha ah, kaas oo lagu tababari doono laguna qalabayn doono Ciidanka badda Soomaaliya, Muqdishona ka caawin doono sugidda xeebaha baaxadda leh ee dalka, oo gaaraya in ka badan 3,000km.

Si kastaba turkiga ayaa kamid ah dalalka ugu horreeyo ee Soomaaliya ka taageero tababarida ciidamada, kabida miisaaniyada dowladda, howlgallada ka dhanka ah kooxda Al shabaab, kaasoo sidoo kale saldhiga ugu weyn afrika ku leh magaalada Muqdisho.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed