Hogaamiyayaasha ismaamulka Garissa oo ku baaqay in wax laga qabto isticmaalka maandooriyaha iyadoo ay jirto walaac dhanka amaanka ah

Hogaamiyayaasha ismaamulka Garissa ee dalka Kenya ayaa walaac ka muujiyay isticmaalka iyo iibinta maandooriyaha oo sare u kacay,iyaga oo sheegay in ay sabab u tahay falalka amni daro ee ka jira gobolka, gaar ahaan dhalinyarada.

Xildhibaanka laga soo doorto Garissa  ahna wasiirka gaashaandhiga Aadan Ducaale hadlay ayaa ku nuux nuuxsaday in aan loo dulqaadan karin isticmaalka maandooriyaha iyo dhaqan xumada magaalada. Wuxuu carabka ku dhuftay in dhalinyarada ku howlan isticmaalka maandooriyaha ay qatar ku yihiin amaanka magaalada.

Maamuylka Garissa ayaa ku baaqay dadaal mideysan oo lagula dagaalamayo maandooriyaha iyo khamriga, iyagoo qiray doorka wanaagsan ee ku aadan kaalinta bulshada, gaar ahaan waxgaradka iyo culumada.

Waxa kale oo ay xuseen in isbeddelka ku yimid hab-nololeedkii bulshada, ee isticmaalka maandooriyaha oo ay ka mid tahay Shiishada sigaarka lagu cabbo Soomaalida dhexdeeda, taasoo markii hore aan caadi ahayn gobolka Garissa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed