Hogaamiyaha khaatumo oo digniin culus u diray madaxweynaha Somaliland isla markaana ku eedeeyay in uu abaabulayo wareerar ka dhan ah SSC

Hogaamiyaha Maamulka SSC, Khaatumo C/qaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, ayaa digniin u diray Somaliland oo uu sheegay inay wadaan abaabul dagaal, isagoo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara, haddii ay qaadaan weeraro ka dhan ah maamulkiisa.

Fardhiye ayaa ku dooday in Muuse Biixi uu u xeyd-xeydanayo in uu dagaal ku qaado SSC Khaatumo sida uu hadalka u dhigay, isla markaana uu ku jabi doono tallaabadaas, waxaa uu intaas ku daray in ay ka shaqeynayaan xoojin ammaanka deegaannada maamulkaas.

Hoggaamiyaha ayaa ku nuux nuuxsaday in qaar kamid ah askartaii Somaliland ee dagaalkiii 2023 ay gacanta ku hayaan ayna horgayn doonaan cadaaladda, dhawaan ayuu sheegay in kiis ka dhan ah madaxda Somaliland uu u gudbiyay Maxkamada Dambiyada Dagaalka.

Hogaamiyaha  oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa si faah faahsan uga warbixiyay Jaaliyadda Khaatumo ee ku nool magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Firdhiye ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii deegaanada SSC Khaatumo ay u noqon lahaayeen kuwa nabadoon iyo xasiloon, isla markaana meesha laga saaro raadadkii ay reebeen colaadaha.

Si kastaba, majiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Somaliland oo ay kaga jawaabayan eeddaan ku aaddan inay abaabulayaan dagaal ka dhan ah deegaannada SCC Khaatumo. balse dhowr jeer ma’suuliyiin ka soo jeedo Somaliland ayaa warbaahinta ka sheegay in ay dib usoo ceshan doonaan deegaannada looga dsaaray dagaalkii hore.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed