Hogaamiyaha Jubbaland oo la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Hoose oo uu kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab,& wax ka qabashada fatahaadaha

Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa  kulan la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Hoose Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, wax ka qabashada fatahaadaha ka dhalan kara gobollada qaar iyo arrimaha siyaasadda ee maamulka Jubbaland.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed Eelaay ayaa sidoo kale ka qeyb galay kulanka, waxaana uu ka hadlay dhibaatooyinka fatahaadaha ay ku hayaan xoolaha deegaanada Jubbaland.

Roobab mahiigaan ah iyo daadad ayaa geystay khasaare iyo barakac guud ahaan Soomaaliya isbuucyadii la soo dhaafay.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada, laga soo bilaabo Maajo 14, dad lagu qiyaasay 225,760 ayaa ay saameeyeen roobabkii mahiigaanka ahaa iyo fatahaadaha xilliga Gu’ga (Abriil ilaa Juun), oo ay ku jiraan ku dhawaad ​​38,730 qof oo ku barokacay.

HBN NEWS DSK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed