Hishiis muhiim ah oo ku kacaya $5 milyan oo dollar oo Soomaaliya ay ka hishay hey’ad samafal oo ku taal Sacuudiga

Xarunta Gargaarka Bani’aadantinimada iyo Gargaarka ee Boqor Salmaan ayaa  heshiis lacag dhan 5 milyan oo dollar la saxiixatay urur ka mid ah bulshada rayidka ah ee Soomaaliya, si biyo nadiif ah loo gaarsiiyo bulshada ay abaaruhu saameeyeen, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Sacuudiga.

Dr. Abdullah Saleh Al-Moallem, oo ah agaasimaha waaxda caafimaadka iyo deegaanka ee KSrelief, ayaa sheegay in heshiiska uu ku lug yeelan doono qodista 24 ceel oo ku shaqeeya cadceedda iyo dib u soo celinta 20 ceel oo kale.

Al-Moallem ayaa intaa ku daray in uu jiri doono barnaamij waxbarasho oo ku saabsan nadaafadda  iyo sidoo kale tababarro la siinayo guddiyada maareynta kheyraadka biyaha  iyo dayactirka ceelasha.

In ka badan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa ka faa’iidaysan doona ceelasha, kuwaas oo la siin doona ilo waara oo la cusboonaysiin karo oo laga helayo biyo nadiif ah oo la cabbo.
Sida laga soo xigtay Hay’adda Gargaarka Sacuudiga, Boqortooyada Sacuudiga ayaa in ka badan 400 oo Milyan oo Doollarka Mareykanka ah ku bixisay dadaallada bani’aadanimo ee Soomaaliya oo dhan.

Al-Moallem ayaa sheegay in KSRelief ay dhawaan bilowday mashaariic ku kacaya 190 milyan oo doolar oo dhinacyo kala duwan ah, oo ay ku jiraan taageerada bulshada, caafimaadka, biyaha, gargaarka degdega ah, bixinta cuntada, ka hortagga nafaqo-xumada iyo xoojinta.

Hindisaha 5-ta milyan ee doollarka ah ee biyaha ayaa ka mid ah kuwo badan oo Boqortooyada ay ka bilowday KSrelief si ay u taageerto kuwa u baahan.

KSRelief: Waa Xarunta Gargaarka Bani’aadamnimada iyo Gargaarka ee Boqor Salmaan waxaa aasaasay Boqor Salman bin Abdulaziz 2015.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed