Hey’adda NISA oo gacanta ku dhigtay maleeshiyaad ka tirsan ka shabaab oo ku howlanaa fulinta qaraxyo

Ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya, ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu soo qab qabtay dad lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in hawlgalkaasi lagu soo qabtay laba nin oo qorsheynaayay inay falal amni darro ka geystaan ​​Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in lagu soo qabtay walxaha qarxa oo ay maleegayeen falal amni darro, ciidamada dowladda Federaalka oo hadda gacanta ku haya xubnahaan..

“Intii ay ciidamadu qabteen labada dhagar qabe, waxay wateen walxaha qarxa, waxayna doonayeen inay shacabka dhibaateeyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sidoo kale tilmaantay inay ka go’an tahay la dagaalanka Al-shabaab, ayna sii wadi doonaan howlgallada ay ka wadaan Muqdisho.

“Hay’adaha amniga Soomaaliya waxay heegan ku jiraan habeen iyo maalin, si ay u sugaan amniga magaalada, iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed,” ayey ku dartay.

Maalmihii dambe ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Muqdisho, maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana fooda nagu soo heyso ciida.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada beesha caalamka ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka, taasi oo keentay in deegaanno muhiim ah laga saaro.

Midkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay degmada Afmadow oo uu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabo Ismaaciil Ibraahim Maxamuud.

HBN NEWS. DESSK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed