Hay’adda UNESCO ayaa cambaareysay dilka wariye lagu dilay Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO, Audrey Azoulay, ayaa cambaareeyay dilka weriye C/kariin Axmed Bulxan loogu geystay degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galmudug ee Soomaaliya, Maarso 13, 2024.

“Waxaan cambaareynayaa dilka C/kariin Axmed Bulxan, waxaan ugu baaqayaa maamulka inay baaritaan ku sameeyaan sida uu dilku u dhacay iyo sababta ka dambeysay dilkaas, isla markaana sharciga la horkeeno kuwii ka dambeeyay, “Suxufiyiinta ayaa kaalin muhiim ah ka qaata wargelinta dadka iyo waa in aan marnaba la bar-tilmaameedsan rabshadaha noocaas ah” Agaasimaha Guud ee UNESCO Audrey Azoulay.

C/kariin Axmed Bulxan waxa uu ahaa Saxafi caan ah, waxa uuna ka tirsanaa Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu caan ku ahaa Samafalka iyo Nabadeynta Caabudwaaq iyo guud ahaan Maamulka Galmudug.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu toogtay askari hubeysan oo ilaalo ka hayay goob shaqo oo uu maamulayay. Ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysa dilka marxuumka, inkastoo la sheegay in uu khilaaf soo kala dhexgalay Bulxan iyo ilaalada xarunta.

UNESCO waxa ay kor u qaadaa badbaadada saxafiyiinta iyada oo u maraysa wacyigelin caalami ah, xoojinta iyo isku dubaridka fulinta Qorshaha Qaramada Midoobay ee Badbaadada iyo La xisaabtan la’aanta suxufiyiinta.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed