Hay’adda Nabad Suggida Somaliya, oo gacanta ku soo dhigtay rag ku eedeeysan weerarkii Hotel SYL

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), ayaa baaritaanni la taaban karo ka sameysay weerarkii Al shabaab ee 14-kii bishaan ka dhacay Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho. Kaddib markii xubno ka tirsan kooxda ay weerar ku qaadeen gudaha hotelka waxan ka dashay khasaaro kala duwan.

Dadka la qabtay waxaa ka mid ah ninka la sheegay in uu ka dambeeyay weerarka kaasoo magaciisa lagu sheegay Naasir Daahir oo lagu eedeeyay in uu fududeeyay gaadiidkii loo adeegsaday weerarka ee magaalada la keenay. Intaa waxaa dheer, afar tuhmane oo u diiwaan gashan milkiilayaasha baabuurta ayaa iyagana la xiray. Dowladda ayaa qaaday tallaabo deg deg ah oo cadaaladda lagu horkeeni doono dadkii ka dambeeyay weerarka.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in sidoo kale la xiray 5-askari oo ay sheegeen inay ilaalinayeen koontaroolada lagu soo gudbay. Waxa ay baarayaan ku lug lahaanshaha dayac amni oo sababay in gaadiidka ay maraan Koontaroolka.

Weerarkii lagu qaaday Hotelka SYL oo ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhashay qasaaro naxdin leh oo ugu yaraan 4 qof ay ku dhinteen in ka badan 30 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Soomaaliya oo adeegsaneysa NISA ayaa wacad ku martay inay keeni doonto cadeymo dhameystiran, islamarkaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dhammaan shaqsiyaadka ku lugta leh qorsheynta iyo fulinta weerarka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed