Hay’adaha NISA iyo kuwa caalamiga ah oo howlgalo dhanka cirka ah ka fuliyay gobolka Hiiraan oo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha kooxda Al shabaab

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA), ayaa waxay faah faahin ka bixisay hawlgal diyaaradeed oo ka dhacay Gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Biya-neef ee Galbeedka Degmada Buula-burde, laguna beegsaday Saldhigyo Ururka Al Shabaab.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in weerarkan oo ahaa mid qorsheysan oo ay fulisay dowladda Federaalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ee dhanka ammaanka dowladda lagu burburiyay xarumo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al shabaab oo ay isku uruursanayeen, sida lagu sheegay war ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Balse khasaaraha rasmiga ah ilaa hadda kama aysan bixin tafaasiil dheeraad, waxana lgu wadaa saacadaha soo aaddan ay shaaciyaan khasaaraha gaaray Al shababa.

Duqeymaha cirka ah ayaa kordhay maalmihii ugu dambeeyay. Dalalka aysan ku dhawaaqin dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka taageero duqeymaha cirka ah, balse saaxiibo dhanka ammaanka ah ka ah caalamka, ayaa waxay tilmaameen inay taageersan yihiin fulinta weerarada qorsheysan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku celceliyay rabitaanka dowladdiisa ay muhiimad gaar ah siineyso ammaanka, waxaana uu ballan qaaday in wejiga labaad uu qaadi doono weerar ka dhan ah Al-Shabaab oo ah mid aad uga adag kana adag wajigii hore ee la filayo in si buuxda dalka looga xoreeyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed