Hay’ad samafal caalami ah oo war cusub ka soo saartay sare u kaca heerka kufsiga iyo xadgudubyada haweenka iyo gabadhaha Soomaaliyeed soona jeedisay fariin adag

Hay’adda Save the Children oo ah hay’ad samafal oo caalami ah ayaa ku baaqday in la kordhiyo ilaalinta haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed, xilli ay sii kordhayaan tacadiyada iyo kufsiga loo geysto gabdhaha da’da yar bilihii la soo dhaafay, sidoo kalana dilal loo geystay qaar kamid ah haweenka bilihii la soo dhaafay.

Hay’adda Samafalka ayaa sheegtay in Gabar 13-sano jir ah ay koox hubeysan 18-kii bishii February ku kufsadeen banaanka gurigeeda  oo ku yaal magaalada Garowe, isla markaana la sheegay in ay ahaayeen rag ku labisnaa dareyska ciidanka maamulka Puntland.

Horaantii bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii saddex haween ah ay hal todobaad gudihiis ku dhinteen,kuwaasi oo dhamaantood lagu eedeeyay in ay dileen raggoodii,waxana ay caro ka dhalisay Soomaaliya,waxana ay ka dhasheen dibad baxyo maalmo socday oo looga soo horjeeday in dalka uu ka jiro ilaalin la’aanta haweenka iyo gabdhaha.

“Tacaddiyada dhanka galmada ah ee joogtada ah ee lagula kacayo haweenka iyo carruurta nugul ee Soomaaliya waa wax laga xumaado oo xadgudub weyn ku ah xuquuqda aadanaha,” ayey tiri hey’adda.

Hay’addu waxay ku baaqaysaa in baaritaan buuxa oo hufan lagu sameeyo weerarkaas, waxayna ugu baaqday maamulka Puntland iyo  dowladda Soomaaliya in ay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortagayo xadgudubyada dhanka haweenka iyo gabdhaha, lana maxkamadeeyo dembiilayaasha si waafaqsan waajibaadka qaran iyo kuwa caalamiga ah ee  xuquuqda aadanaha.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, Soomaaliya waxay leedahay qaar ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha adduunka, iyadoo ay jiraan sharciyo yar oo haweenka iyo gabdhaha ka ilaaliya xadgudubyada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed