Bisha soo socota ee June, Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) wuxuu bilaabi doonaa dhimis weyn oo lagu sameeyo ciidamadooda, taasoo qayb ka ah dhimista qorshuhu yahay ee uu ansixiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Tallaabadan ayaa calaamad u ah tallaabo muhim ah oo ku aaddan dadaallada socda ee mas’uuliyadda amniga loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliya.
Howlgalka kumeel gaarka ah ee ATMIS ayaa waxaa horey uga baxay ciidamadooda deegaano dhowr ah oo hoos taga dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Jubbaland. Booskooda, ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa daraawiishta ee dowlad goboleedyada ayaa la wareegay mas’uuliyadda amniga.
Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka ayaa si weyn u kormeeray xerooyinka kala duwan ee ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada si loo hubiyo in ciidamada Soomaaliya ay si wanaagsan ugu diyaar garoobeen la wareegida goobaha ay baneeyeen ATMIS. Kala-guurkaani waa qayb muhiim ah oo ka mid ah istaraatiijiyadda ballaaran ee kor loogu qaadayo tayada iyo u diyaarsanaanta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo ciidamada gobollada.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijiyay in dhimista Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ay ku socoto sidii loogu talagalay, iyadoo ay socdaan wada tashiyo u dhaxeeya Madaxda Soomaaliya iyo kuwa Afrika si loo maareeyo tallaabooyinka soo socda. Ka bixitaanka guud ee ciidamada ATMIS ayaa lagu wadaa in uu dhamaado sanadka 2024-ka, taasi oo soo gabagabeyn doonta howlgalkooda oo soo bilowday sanadkii 2007-dii.
Iyadoo hoos u dhacu uu socdo, waxaa diiradda la saarayaa xaqiijinta habsami u socodka iyo xil wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ciidamada Soomaaliya. Dadaalkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah ilaalinta xasilloonida iyo sii wadida dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha ka shaqeynaya arrimahaan.
HBN NEWS DESK