Hanti dhowrka guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale, ayaa ku dhawaaqay natiijada baaritaan maaliyadeed oo dhameystiran oo muujinaya in $21 milyan aan lagu soo shubin xisaabaadka maaliyadda dowladda muddo shan sano ah oo u dhaxeysa March 2018 ilaa April 2023. Tani waxay muujineysaa dadaallada lagula dagaallamayo musuqmaasuqa dalka ka jira hey’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hanti dhowrka guud ee qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay is beddelka wanaagsan ee laga gaaray la dagaalanka musuq maasuqa. Natiijadii ka soo baxday warbixintii musuq-maasuqa ee uu soo saaray hanti dhowrka guud ee qaranka sanadkii hore ayaa waxaa lagu soo oogay 22 mas’uul. 15 ka mid ah waxay ka tirsanaayeen Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha, saddex ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda & Bangiga Dhexe, halka afarta soo hartay ay ka tirsan yihiin Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada.
Guutaale ayaa carabka ku adkeeyay in eedeymahan ay muujinayaan sida ay dowladda uga go’an tahay wax ka qabashada musuq maasuqa. “Waxaan qaadnay tillaabooyin cad cad oo lagula xisaabtamayo dadka ku takri falay xilalka lagu aaminay,” ayuu yiri.
Baaritaanka, oo laga soo bilaabay Maarso 8, 2018, lana soo gabagabeeyey Abriil 20, 2023, wuxuu muujiyay arrimo muhiim ah oo dhinacyo kala duwan ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka falcelineysa natiijooyinkan ayaa xoojisay dadaallada ka dhanka ah musuq maasuqa. Dhowr mas’uul iyo kuwo hore ayaa la xiray waxaana lagu xukumay xabsiyo u dhaxeeya hal sano ilaa sagaal sano. Tallaabooyinkan ayuu sheegay inay muujinayaan sida ay dowladda uga go’an tahay inay meesha ka saarto musuq-maasuqa iyo soo celinta kalsoonida shacabka ee hay’addeeda.
Helitaanka 21-ka milyan ee maqan iyo tillaabada sharciga ah ee laga qaaday mas’uuliyiinta lala xiriiriyay arrintan ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya lagula dagaalamayo musuqmaasuqa. Mawqifka adag ee dowladda ayaa digniin u ah kuwa ku kacaya falal musuq-maasuq ah, waxayna shacabka u xaqiijinaysaa in maamulka uu ka go’an yahay hufnaan iyo isla xisaabtan, sia uu sheegay Hanti dhowraha.
HBN NEWS DESK