Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xassan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo ka yar todobaad ay ku soo shaacin doonaan jadwalka doorashooyinka.
Waxaa uu sheegay in guudiga madax bananaan ay shaqadiisa tahay in uu dalka doorasho hufan oo qof iyo cod ah ka qabto, isaga oo tilmaamay in sannadkii 1969-kii ugu dambeysay doorasho loo dareero.
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in uu ujeedka guddiiga doorashooyinka tahay fududeynta in dadka Soomaaliyeed soo doortaan hoggaankooda, isaga oo sheegay in todobaad ka dibla soo saari doono jadwalka doorashada, diiwaangelinta iyo codbixiyaasha.
“Waxaan idinla wadaagi doonnaa todobaad gudahood jadwalka weyn ee doorashada, marka uu billaabanayo diinwaangelinta ururada, codbixiyaasha, waxaana billaabi doonnaa in aan asteyno goobaha doorashada” ayuu yiri Guddomiye Cabdikariin .
Guddigaan oo la dhisay bishii November ee sannadkii tagay ayaa u jeedkiisu yahay in uu dalka ku hoggamiyo doorasha ku saleysan axsaab iyo in ay dhacdo doorasha qof iyo cod ah.
HBN ONLINE TV