Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka oo ku baaqay in la soo xiro madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo uu ku eedeeyay Khiyaamo Qaran

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa ku baaqay in amar lagu soo xiro Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku eedeeyay inuu galay qiyaano qaran.

Jawaari ayaa ku nuux-nuux saday in arrinta Muuse Biixi aysan u baahneyn marqaati, maadaama isaga laftiisa uu si cad u qirtay heshiiska muranka dhaliyay.
Sida uu sheegay Guddoomiye Jawaari.

Gudoomiyihi hore waxa uu iftiimiyay in aan talaabo sharciga waafaqsan laga qaadin heshiiska sharci darada ah ee uu ku dhawaaqay Muuse Biixi Cabdi. Heshiisku waxa uu ku saabsan yahay in Itoobiya ay hesho 20 KM oo ka mid ah badda Soomaaliya iyada oo wada hadal kula jirta Somaliland, tallaabadaas oo dhalisay cambaarayn baahsan.

Guddoomiye Jawaari ayaa bogaadiyay tallaabadii firfircooneyd ee labada Baarlamaan iyo Xukuumadda ay uga soo horjeesteen heshiiskii la sheegay in lagu heshiiyay.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyay in shacabka Somaliland aysan raali ka aheyn heshiiskaasi muranka dhaliyay.

Saamaynta juquraafiyeed ee heshiiskani waa in Itoobiya ay noqoto dawladii ugu horaysay ee si rasmi ah u aqoonsata gooni isu taaga Somaliland. Talaabadani waxay khatar ku tahay inay sii xumayso xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed