Guddoomiye kuxigeenkii Marka oo lagu dilay qarax ismiidaamin ah

Guddoomiye kuxigeenkii maamulka degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose Cabdikariin Macalin Axmed (Afar Shaagle) ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo galabta ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Weerarka lagu dilay masuulkan ayaa waxaa geystay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa kaasi inta marxuumka u soo dhawaad uu isku duubay sidaasina labadii uu ugu qarxay halkaasina ay ku dhinteen.

Cabdikariin Macalin Axmed (Afar Shaagle) ayaa la sheegay inuu ahaa nin aad ugu ololeyn jiray arrimaha nabadeynta gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana uu ka soo jeedaa gobolka Galguduud gaar ahaan degmada Dhuusamareeb, sida ay HBN Online TV u xaqiijiyeen dad ay asxaab yihiin.

HBN Online TV 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed