Guddoomiye Feysal Cali Wareebe oo Si Kulul Uga Hadlay Dagaalka Laascaanood.

Muqdisho ( Hbn tv)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Soomaalliland ee Ucid Eng Feysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga hadlay Xaaladda Magaaladda Laascaanood oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu ka Socday dagaal lagu dhammaaday ee u dhaxeeyay Ciidanka Soomaaliland iyo kuwa Deegaanka.

Feysal Cali Waraabe yaa daaha ka qaaday in Soomaaliland Ciidankeedu uusan ka bixi doonin Gobolka Sool, halkaasna ay ku sugnaan doonaan, Xilli Dhaqanka Laascaanood ay shuruud hore ku xireen wada hadal ay wadday dowladda Itoobiya in Ciidanka Soomaaliland ay baxaan, taas oo aan mira-dhalin.

dhankale waxaa uu weerar Afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Bixi Cabdi, Isaga sheegay in Muuse uu ku Fashilmay Xaaladda Cakiran ee Dagaalka Laascaanood, haddii sidaan lagu fiirsadana ay talo faraha ka bixi doonto, Waxaa uuna ugu baaqay in uu xilka ka dago.

Sidoo kale Guddoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa hoosta ka xariiqay in Waddamada reer galbeedka ay  Soomaaliland in dusha ka sareen dambi aysan galin, xilli Maamulka Talada haya ee Soomaalinad horay loogu  eedeyay Duulaankii  magaalada Laascaanood.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday in Soomaaliland aysan helin wax taageera ah ee ka difaaca Eedaha loo jeediyay ee dagaalka gobolka kaas oo wili Ciidamadu is hor-fadhiyaan.

Guddoomiyaha oo Jeediyay qudbad dheer ayaa soo hadaal qaaday in Ciidan Shisheeye ay ku soo duuleen Soomaaliland, Asiga oo si toos ah farta ugu fiiqay Maamulka Puntland, inkastoo horay uu iskaga fogeeyay hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabullaaahi Deni.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya Xilli ay is hor fadhiyaan labada dhinac ee magaalada Laascaanood, mana jirto wax waanwaan ah oo  xaaladda lagu qaboojinaayo.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed