Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya oo booqasho ku tagay maamul goboleedka Jubbaland iyo ujeedka safarkaas

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa inta uu ku guda jiro kormeerkiisa waxa uu la kulmi doonaa Garsoorayaasha iyo Madaxda Maxkamadaha Jubbaland, waxa uuna kala hadli doonaa dib u habeynta Garsoorka iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Garsoorka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Sulayman Maxamed Maxmuud, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federalka Somaliya, ayaa qayb ka ah wafdiga booqanaya Magaalada Kismaayo. Booqashadooda ayaa ku soo beegantay xilli dalka ay ku soo badanayaan dambiyada ay ka mid yihiin dilalka iyo arrimaha dhulalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkii hore booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, halkaasoo uu kulan kula qaatay hogaamiyaha maamulkaasi Axmed Madoobe, iyadoo dowladda Federaalka ay qorsheyneyso in la bilaabo wajiga labaad ee duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee deegaanada Jubbaland iyo Deegaanada Koonfur Galbeed.

Jubaland waa halka ay Al-Shabaab kala wareegeen gobol dhan – Jubada Dhexe, halkaas oo la sheegay in ay ku sugan yihiin madaxda kooxdaas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed