Guddoomiyaha Hay’adda SODMA iyo Safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo khuseya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ee SODMA Maxamuud Macalin, ayaa  kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Abdalla bin Salim Al Nuaimi. Dooddu waxay ku qotontay in dib u eegis lagu sameeyo horumarka dhowr mashruuc oo muhiim ah oo ay dawladda Qatar ku taageerto dadaallada SoDMA ee maareynta musiibooyinka iyo soo kabashada.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay qiimeeyeen heerka ay marayaan hindisayaasha socda, waxayna sahmiyeen fursado cusub oo iskaashi. Dowladda Qatar ayaa xaqiijisay inay ka go’an tahay inay kordhiso u adkeysiga Soomaaliya ee musiibooyinka iyadoo la fulinayo xalal cusub oo waara.

Mashaariicda ugu muhiimsan ee dib u eegis lagu sameeyay ayaa waxaa ka mid ahaa bixinta gaadiidka gurmadka, diyaarinta goobaha lagu keydiyo biyaha, dib u dajin loo sameeyo dadka barakacayaasha ah. Qorshayaashan waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda SoDMA si ay si degdeg ah oo waxtar leh uga jawaabto xaaladaha degdegga ah, iyada oo la hubinayo in agabyada iyo taageerada muhiimka ah ay gaaraan kuwa u baahan.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada joogtada ah ee Qatar, isagoo muujiyay saameynta wanaagsan ee mashaariicdan ay ku leeyihiin u diyaargarowga musiibooyinka iyo u adkeysiga Soomaaliya. “Kaalmada ka imaaneysa dowladda Qatar waa mid gacan ka geysaneysa sidii aan u dhisi lahayn qaab-dhismeed maareyn musiibo oo aad u adag,” ayuu yiri. “Waan ka mahadcelineynaa wadashaqeyntooda, waxaana rajeyneynaa inaan sii wadno iskaashiga.”

Danjire Al Nuaimi ayaa ku celiyay sida ay Qatar uga go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto “Hadafkeennu waa inaan si dhow ula shaqeyno SoDMA si loo abuuro xalal waara oo kor u qaadaya awoodda dalka ee maaraynta iyo ka soo kabashada masiibooyinka,” ayuu yiri.

Qatar ayaa kamid ah dowladaha taageero Soomaaliya isla markaana ka fuliyay mashaariic kala duwan.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed