Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo Yeeshay Kulan Aanan Caadi Aheyn

Guddiga joogtada ah ee baarlamaamka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aanan caadi aheyn, kaas oo looga doodaayay hishiiskii ay horay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya.

Kulankaan waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Sheekh Aadan Madoobe, waxan goobjoog ka ahaay   labada ku-xigeen iyo xubnaha Guddiga.

Kulanka Guddiga Joogtada ayaa maanta looga hadlay heshiiskii ay gaareen Madasha Wada-tashiga Qaranka oo ay xukuumadda usoo gudbisay Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.  Dood dheer iyo falanqeyn ka dib waxaa la isku raacay in lagu wareejiyo Guddiga Dib u Eegista, La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka si ay ugu soo shaqeeyaan uguna dhigaan siiqad dastuur ka dibna ay horkeenaan fadhigga Golaha.

Hishiiskaan ayaa loo gudbin doonaa Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, haddii ay meel mariyaan waxaa uu noqon doonaa mid sharci ah, taas oo ka dhignaan doonto in uu dhaqan gal noqon doono hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee wax looga beddelaayo doorashada Soomaaliya.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed