Guddi muhiim ah Soomaaliya oo maanta lagu dhawaaqa

Golaha Wasiiradda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii qamiis laha ahay ku yeeshay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Hamze Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyay kulanka, waxana laga soo saaray go’aamo kala duwan kuwaas oo qeyb ka yihiin ilaalinta muwaadiniinta’ iyaga oo dul-istaagay shaqaaqooyinkii ka dhacay Gobolka Banaadir maalmihii la soo dhaafay.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya.

Guddiga la ansixiyay ayaa gaaray ilaa 5 xubnood kuwaas oo ka shaqeeyn doono talo soo jeedintii Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee ku saabsaneed dib u eegista Dastuurka qabyada ah.

Dhanka kale Hoggaan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho, shirkaan ayaa waxaa shir-guddoomiyay Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeyo Guuto Sulub waxana lagu lafa-guray xaaladda amni-darro ee maalimihii la soo dhaafay ka jirtay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulankaan oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee laamaha Booliiska ayaa diiradda lagu saaaray sidii wax looga qaban lahaa falal amniga lidka ku ah, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo bad-qabkooda dhanka ammaanka ah.

kulankaan ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay dilal kala duwan ah Ciidanka ay u geysteen dhallinyarada ku shaqeeysta Mooto Bajaajta.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in uu magacaabi doono guddi u kuur gali doono Baraha Hubbinta Gaadiidka ee magaaladda iyo wacyo galinya Ciidanka si loog haggaajiyo hab-dhaqanka Ciidamada ammaanka

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed