Golaha Wasiiradda oo ansixiyay taliyaha cusub ee Hey’adda Nabad Sugidda Soomaaliya

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), kaasoo beddelay Mahad Maxamed Salaad.

Agaasimaha  Cusube ee Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa lagu sheegay nin aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale u mahad celiyay Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad oo mudadii uu xilka hayay ee aanan la ogeyn sababta ka dambeysay in xilka laga qaado.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya inuu doonayo inuu u tartamo hoggaanka Galmudug sanadkan.

Mahad Maxamed Salaad ayaa tan iyo 26-kii May 2022 ahaa agaasimaha NISA, kaddib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mar kale ku guuleystay xilkaas.

Agaasimaha xilka laga qaaday ayaa u hambalyeeyay agaasimaha cusub C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe xilka cusub ee loo magacaabay.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed