Golaha Wasiiradda Hirshabeelle oo kulan deg deg ah loogu yeeray

Kulan deg deg ah oo uu ku baaqay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka dhacay xarunta maamulka ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe. Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Hirshabeelle, ayaa waxaa looga hadlay halista cudurka El Niño, iyadoo diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa saameyntiisa.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin muhiim ah oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo uu ugu horeeyo Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle.

Warbixin dhameystiran oo ay soo bandhigeen Hay’adda SDMA iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabeelle ayaa lagu muujiyay dhibaatada ka dhalatay cudurka El Nino oo saameeyay ku dhawaad ​​500 oo kun oo qof oo ku nool Hirshabeelle.

Iyada oo 65% fursadda El Niño ay dib ugu soo noolayn karto roobabka gu’ga ee soo socda, welwelka laga qabo xaaladaha sii xumaanaya ayaa sare loo qaaday.

Waxaa kulanka lagu soo jeediyay in feejignaan dheeraad ah la yeesho, isla markaana hey’daha gargaarka. Iska kaashadaan, dhibaatooyinka  ka dashay El Niño iyo kuwa soo wajahan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed