Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda caadiga ahaa ee toddobaadlaha ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mida xaaladda guud ee dalka, iyada oo warbixinno looga dhageystay qaar ka mid ah wasiiradda.
Shirka Golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriirra, horumarka laga sameeyay dhanka diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah.
Sida oo kale waxaa kulanka inta uu socday golohu ka wada hadlay Amniga iyo Dhaqaalaha dalka, taasi oo wasiiradda difaaca iyo kan maaliyadda wasiiraddu ka dhageysteen howlgalaha ay hayaan.
Golaha ayaa ansixiyay wax ka beddelka Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo horumarinta Sharciga oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
HBN ONLINE TV