Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa markale si adag u diidday waxa ay ku tilmaantay “faragelin joogto ah” oo Dowladda Imaaraadka Carabta ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo sheegtay in tallaabooyinkaasi ay wiiqayaan madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada qaranka.
Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya maanta ayey ku caddeysay inaysan aqbali doonin faragelin shisheeye ama heshiisyo amni oo barbar socda nidaamka qaranka, kuwaas oo hareer maraya Dowladda Federaalka.
Soomaaliya ayaa Imaaraadka ku wargalisay in dhammaan xiriirrada ay la leedahay dalka ay si toos ah ula yeelato dowladda dhexe, iyadoo la raacayo shuruucda caalamiga ah. Waxay ku goodisay inay qaadi doonto talaabo adag, haddii awaamiirta Dowladda aan loo hoggaansamin.
“Soomaaliya waxay Dowladda Imaaraadka Carabta ugu baaqaysaa in dhammaan xiriirrada ay la leedahay Soomaaliya ay si toos ah ula yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka sharciyeed ee lagama maarmaanka u ah ilaalinta madax bannaanideeda, wadajirka dhuleed iyo midnimada qarankeeda,” ayaa lagu warka Soomaaliya.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in khilaafku ku kooban yahay siyaasadaha masuuliyiinta Imaaraadka, uusana saameyn ku lahayn arrimaha labada shacab, waxayna ballanqaadday inay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo lagu ilaalinayo madax-bannaanida dalka.
Shalay, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu jeediyay si adag──hadalo xanaf leh ugu weeraray masuuliyiinta Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kadib markii uu ku eedeeyay inay muddo sanado ah faragelin ku hayeen arrimaha gudaha iyo siyaasadda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Imaaraadku uu si sharciga ka baxsan dalka uu heshiisyo dekedo la xariria ula galay maamulada Somaliland, Puntland iyo Jubbaland, kuwa oo uu xusay inay yihiin hanti qaran oo ay wada leeyihiin shacabka dalka.
Xasan Sheekh ayaa Abu Dubai ku eedeeyay in saldhigyo milateri iyo ciidamo aan hoos imaan hay’adaha amniga qaranka uu kaga dhisay Soomaaliya, arrintaasi oo uu carrababay inay wiiqayso midnimada iyo awoodda hay’adaha amniga dalka.
Hbn Online Tv

