Dowladda Aljeeriya ayaa Soomaaliya u ballanqaadday inay la wadaagayso khibraddeeda dhanka sahminta, soo saarista iyo sifeynta shidaalka, iyadoo sidoo kale tababarro siinaysa injineerrada batroolka iyo shaqaalaha Soomaaliyeed.
Ballanqaadkan ayaa yimid kaddib booqasho ay wafdi ka socday shirkadda shidaalka ee dowladda Aljeeriya ee Sonatrach ku tageen xarunta kaydka shidaalka qaranka ee dekedda Muqdisho, halkaas oo ay kulammo kula yeesheen mas’uuliyiin Soomaaliya iyo ganacsato.
Aljeeriya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka taageerto dhisidda awoodda shaqaale ee dhinaca shidaalka, iyadoo ka faa’iideysanaysa khibraddeeda dheer ee warshadaha shidaalka iyo gaaska.
Soomaaliya ayaa dhankeeda ku jirta dadaallada lagu bilaabayo soo saarista shidaalka, waxaana shirkadda Turkiga ee TPAO ay bishii Abriil ee sanadkan 2026 bilowday qodista ceelka Curad-1 oo ah ceelkii ugu horreeyay ee shidaal laga qodo badda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed ayaa dabayaaqadii bishii hore ee Oktoobar sheegay in qodistu gaartay lakabyada dhulka ee ay ka soo muuqan karaan astaamaha shidaalka, hase yeeshee weli lama shaacin natiijo rasmi ah.
Dhanka kale, iskaashiga Aljeeriya iyo Soomaaliya ee arrimaha shidaalka ayaa soo xoogeysanayay, iyadoo labada dal ay bishii Nofeembar 2025 kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo ay ku jiraan iskaashiga sahminta shidaalka iyo gaaska.
Si kastaba, ballanqaadka Sonatrach ee hadda la shaaciyay wuxuu ku kooban yahay tababarro iyo wadaagista khibradda farsamo, mana jiro heshiis la shaaciyay oo shirkaddu si toos ah shidaal uga baareyso Soomaaliya ama maalgelin uga sameyneyso.
Hbn Online Tv

