Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyadda sanadeedka 2024-ka

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyay in ka badan hal bilyan oo miisaaniyadeed sanadeedka 2024-ka, kadib kulan aan caadi aheyn oo  ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Miisaaniyadda dowladda dhexe  oo dhan $1,025,687,991 (Hal bilyan iyo shan iyo labaatan milyan oo dollar), waxa lagu soo ururin doonaa dakhliga gudaha iyo deeqaha caalamiga ah. Goluhu wuxuu sheegay in dakhliga gudaha uu kordhay in ka badan 20%, gaar ahaan diiradda lagu saaray horumarinta amniga qaranka iyo horumarinta adeegga bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo shir guddoominayay kulanka ayaa ku nuux-nuux saday in Miisaaniyaddu ay tahay mid waafaqsan baahiyaha iyo duruufaha dalka. Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay, iyadoo la filayo in dhamaadka sanadkan laga cafiyo deymaha lagu leeyahay dalka, in miisaaniyada ay sii kordhi doonto, taasoo sahlaysa in dowladdu ay sare u qaado adeegyada ay u hayso bulshada Soomaaliyeed.

Baarlamaanka ayaa sanadkii hore meel mariyay miisaaniyad dhan $973,985,805, taasoo ay ku jirtay in la kordhiyo qoondada xarumaha daryeelka bulshada, sida adeegyada caafimaadka dowladda, waxbarashada, iyo hay’adaha amniga ee dalka oo dhan.

HBN NEWSD ESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed